Afhayeenkii Barlamaanka Tunisia iyo Xildhibaano kale oo laga mamnuucay inay ka dhoofaan dalkaasi

Kadib markii uu Madaxweynaha dalkaasi, Qays Saciid uu kala diray Barlamaanka dalkaasi, xilkiina ka qaaday Ra’isul-wasaare Hishaam Al-Mishiishi ayaa waxaa uu sheegay in Amar Fulineed lagu maamuli doono dalkaasi, lana magacaabi doono Ra’isul-Wasaare Cusub.

Madaxweyne Qays Saciid oo horey u ahaa Qareen Sharciga Dastuurka waxa kale oo uu amray inaysan Guddoomiyihii Barlamaanka dalkaasi, Rashiid Qanuuji iyo 64 Xildhibaan ka bixin Karin dalkaasi.

Madaxweynaha oo 63-jir ah waxa uu hadalkaasi ka jeediyey Shir Degdeg ah oo uu shalay la yeeshay Taliska Ciiddanka Milliteriga iyo kuwa Amniga ee dalkaasi, wuxuuna ku dhawaaqay inuu RW cusub soo magacaabi doono, isla markaana inuu Xanaasadda Xildhibaanada Barlamaanka xayiray muddo 30-maalmood.

Sida laga soo xigtay Warbaahinta MOSAYIIK FM waxaa Ciiddamo badan loo daad-gureeyey Afaafka hore ee Dhismaha Barlamaanka, Telefishinka Qaranka Tunisia, waxaana la xiray dhamaan Xuduudaha Dhulka, Cirka iyo Badda ee dalkaasi.

Dhinaca kale, Guddoomiyihii Barlamaanka dalkaasi, Rashiid Qanuuji waxa uu sheegay in Tallaabada uu qaaday Madaxweyne Qays tahay Afgembi Dastuuri oo ka hor imaanayo Kacaanka Isbedel-doonka ee dalkaasi.

Rashiid Qanuunji oo hoggaamiya Xisbiga Ennahda waxa uu sheegay inay Hay’addihii Dowladda weli taagan yihiin, isla markaana ay Tageerayaashiisa iyo dadka Reer Tunisia difaaci doonaan Kacaanka.

Isbedelka Siyaasadeed ee uu Madaxweynaha Tunisia ku dhawaaqay ayaa ka dambeysay, kadib, markii ay Dibadbaxyo rabshado watay ka dhaceen magaallooyinka waa weyn, oo looga soo horjeedo Khtarta Faafista Cuddurka COVID 19 iyo Dhaqaale la’aan soo wajahday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor