Afhayeenka Aqalka wakiilada Mareykanka oo gaartay Taiwan

Afhayeenka aqalka wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi ayaa gaartay jasiiradda Taiwan, kaddib todobaadyo ay socdeen muran ka dhashay socdaalkeeda.

Waa booqashadii ugu horeyay oo uu sarkaal sare oo Mareykan ah ku tago jasiiraddaasi, muddo 25 sano ah kaddib.

Diyaradda siday Ms Pelosi ayaa ka caga dhigatay magaalada Taipei ee caasimadda Taiwan,waxayna soo saartay bayaan ay ku sheegtay inay dooneysay inay qadariso wax ay ugu yeertay dimuqraadiyadda Taiwan.

Shiinaha oo sheegto in Taiwan ay ka tirsantahay dhulkeeda, ayaa booqashada Nancy Pelosi ku tilmaamay wax aad khatar u ah, isagoo aagga jasiiraddaasi geeyay ciidamo millateri ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor