Afhayeen cusub oo loo magacaabay Maamulka Gobolka Hiiraan (Wareegto)

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Jeyte Cismaan ayaa Afhayeen cusub u magacaabay Maamulka Gobolkaas, kadib markii uu xilka iska Casilay Afhayeenkii hore.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Cali Jeyte ayaa waxaa xilka Afhayeenka Gobolka Hiiraan loogu magacaabay inuu noqdo Liibaan Cabdi Cumar, kaasi oo bedelaya Afhayeenkii ee Cabdi Muumin Elmi oo shaqada isaga tegay..

Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa Afhayeenka cusub ee Liibaan Cabdi faray inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday ee ah inuu warbaahinta la wadaago howlaha Maamulka Gobolka uu qabto.

Afhayeenkii hore ee Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Elmi ayaa xilka iska Casilay dhawaan, kadib markii Ciidanka la magac baxay Badbaadada Hiiraan ay qabsadeen Xaruntii Maamulka uu ku shaqeynayay iyo xiisada ka dhalatay Safar Madaxweyne Cali Guudlaawe ku tegi lahaa Magaalada Baladweyne.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor