Abaar iyo biyo la’aan baahsan oo ka jira degaano ka tirsan Jubbada Hoose

Wararka aan ka heleyno degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ka jirto abaar xoogan oo saameyn ku yeelatay dad xoolo dhaqato oo degmadaas kunool.

Abaarta ka jirta Badhaadhe ayaa waxaa ku le’day xoolihii ugu badnaa oo ay lahaayeen dad xoolo dhaqato oo kunool degmadaas iyo tuulooyin hoostega, waxaana la sheegay in dadka deegaanka ay ku adkaatay nolosha, kadib markii la waayay cunto iyo biyo.

Dad ku sugan Badhaadhe ayaa waxaa ay kusoo warrameen in xaalad adag oo abaar baahsan ah ay ka jirto degmada oo ay ugu dan tahay biyo la’aan saameysay dadka iyo xoolaha, iyagoona sheegay in Jiirgaanki biyo ah la iibinayo 20 kun oo Shillin Soomaali ah.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Badhaadhe Yuusuf Maxamed Ibraahim oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in abaarta ay saameysay tuulooyin badan oo degan yihiin qoysas danyar ah, isla markaana dadka ay heysato xaalad biyo la’aan ah.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka ayaa tilmaamay inay jiraan dad farabadan oo isaga barakacay oo nolol u raadsaday deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna Carabka ku dhuftay in gurmad biyo dhaamin loo sameynayo dadkaas.

Si kastaba Abaar baahsan ayaa ka jirto deegaano dhowr ah oo ka tirsan Jubbada Hoose, iyadoona xoolihii ugu badnaa oo lo’ ah ay ku la’deen, waxaana sii kordhaya dadka ay saameynta ku yeelatay abaarta oo aadaya Magaalooyinka waaweyn ee Gobolka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor