Aas wadareed loo sameeyay Saraakiishii lagu dilay Qaraxii Gaalkacyo

Waxaa Maanta qabuuro ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Aas wadareed loogu sameeyay Saraakiil ka tirsaneyd Ciidanka dowladda Federaalka oo shalay ku geeriyooday Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay halkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Xildhibaano ayaa ka qeyb galay Aaska Qaran ee loo sameeyay saraakiishii Ciidan ee geeriyooday.

Sidoo kale Aaska ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Gen. Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Saraakiil kale oo Maanta gaaray Gaalkacyo, sidoo kalena waxaa ka qeyb galay Ehelo iyo xubno kale.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Saraakiishii qaranka iyo dadkii shacabka ahaa Qaraxii shalay.

Saraakiisha ku dhintay Qaraxii Is-miidaaminta ah ayaa waxaa kamid ahaa Taliyihii  Ciidanka qeybta 21-aad ee Cabdicaiis Cabdullaahi Qoooje, Taliyihii Ciidanka DANAB ee Galmudug Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan, ku-xigeenkiisii, Guddoomiyihii horey ee Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Tumey iyo Saraakiil kale oo goobta ku sugnaa.

Dad ku dhow 20 ruux ayaa la sheegay inay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen Qaraxii dhacay, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Gaalkacyo, waxaana dadkaas qaarkood ay yihiin kuwo si darran uu u sameeyay Qaraxaas, Al-shabaabna ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media