Aamina Maxamed Mursal oo kusoo baxday kursiga tirsigiisu yahay Hope213

Iyadoo magaalada Baydhaba ee xarunta ku meel gaarka u ah Dolwad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya ay wali ka socoto doorashada Golaha Shacabka ayaa waxaa Saaka halkaasi lagu doortay  Kuraastii loo madalsanaa maanta.

Aamina Maxamed Mursal ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hope213 ee golaha shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyada oo kaga guuleysatay tartanka Aamina Xuseen Cismaan.

Sidoo kale Kursiga Hope180 ayaa lagu tarmay, waxaana ku guulaystay Saadaad Maxamed Nuur Aliyow,kaasi oo helay codod gaaray 87 cod.

Kursiga ayaa waxa kula tartamay Maxamed Axmed Maxamed oo isaguna  heley codad gaaray  9 Cod, halka ay hallaabeen 4 cod, oo ka mid ah codadkii la dhiibtay.

Doorashada Golaha shacabka ayaa si toos ah uga billaabatay Magaalooyinka Maamul Goboleedyada Dalka,waxaana Magalada baydhabo shalay lagu doortay qaar ka mid ah Kuraasta Golaha shacabka, iyadoo maantana loo ballansan yahay in kuraas kale la doorto.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor