Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Guddiga KMG ah ee uu Magacaabay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay hoygiisa Kulan kula qaatay Guddiga KMG ah ee Ka tala bixinta dhacdadii 07/08/2022 Ka dhacday xarunta Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa guddiga Kula dardaarmay in ay kasoo tala bixiyaan fowdadii Golaha Ka dhacday kalfadhigan koowaad kulankiisii 14-aad ee Golaha Shacabka BJFS isagoo u sheegay in ay warbixin dhameeystiran ka keenaan.

Horay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Ka aqbalay cudur daarki uu soo gudbiyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ee ku aadanaa  ka mid noqoshada guddiga baarista dhacdadii 07/08/2022 Isla markaana ku bedddalay Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abuukaato).