90 ka mid ah xarumaha warbaahinta Afghanistan oo xirmay

Iyadoo Taalibaan ay ku sii siqeyso qabsashada guud ahaan Afghanistan ayaa in ka badan 90 xarumo warbaahineed la xiray, waxaana sii kordhay walaaca laga qabo badqabka saxafiyiinta dalkaas.
Saraakiisha Afghanistan ayaa Arbacadii sheegay in inta badan xarumahan ay ku yaalleen gobollo Taalibaan ay qabsatay.

Sida ay xaqiijiyeen weriyeyshaasha iyo saraakiisha kale ee warbaahinta, Koofurta gobolka Helmand oo keliya waxaa la xiray 12 idaacadood iyo afar TV sababo la xiriira dagaalka xooggan oo ka socda caasimadda gobolkaas ee Lashkar Gah.

“Dadku kama bixi karaan guryahooda,” ayuu yiri Sifatullah Zahidi, oo ah aas-aasaha Radio Sukoon ee Helmand. “Badqabkenna dartiis, waxaan xirnay warbaahinteenna laba maalmood kahor inta uusan dagaalku ku fidin aagga magaalada saldhiggeennu yahay” ayuu sii raaciyay.

Taalibaan ayaa kordhisay weerarada ay ku qaadayaan goobaha ay dowladda Afghanistan gacanta ku hayso, waxayna sheegeen inay qabsadeen sagaal caasimad goboleed.

Shiwai Sharq, oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka ee Afghanistan ayaa VOA u sheegay in 46 wariye ay ka soo guureen gobollada una wareegeen Kabul sababo la xiriira dagaalada iyo hanjabaadaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor