8 qof oo lagu la’ yahay Diyaarad ku burburtay Raashiya

Diyaarad Helikopter oo ay la socdeen 16 qof oo badankooda Dalxiisayaal ah ayaa ku hoobatay Balliga Kuril ee ku yaalla Gacan-biyoodka Kamachatka ee Bariga Fog ee dalkaasi.

Warbaahinta dalkaasi ayaa waxay Waaberigii hore ee saakayto shaaciyeen Shilkaasi oo ka dhacay Deegaan masaafo ahaan in ka badan 6,000 oo KM dhanka Bari kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Moosko.

Burburka Diyaaradda ayaa la sheegay inuu daadsan yahay sadxiga Balliga Kurile oo 100 mitir hoos u qodan.

Ilo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaasiyaa sheegtay in la helay 9 qof oo nool, halka 8 kalena la la’ yahay raqdooda iyo ruuxooda.

Guddoomiyaha Gobalka Kamchatka, Valadimir Solodov iyo 40 qof oo isugu jira Kooxaha Gurmadka, Caafimaadka iyo Quusayaasha ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay.

Diyaaradda burburtay oo nooceedu ahaa Mi-8 helicopter waxaa la socday 13 Dalxiisayaal iyo 3 Shaqaalaha Diyaaradda, kuwaasi oo ku sii jeeday Deegaanka Khodutka oo ah dhul seereed Dabiici ah oo leh dhul Folkaano ah oo loo dalxiis tago.

Bishii July ee la soo dhaafay, 28 qof ayaa ku geeriyootay Diyaarad nooceedu ahaa Antinov AN 26 ku burburtay Gacan-biyoodka Kamachatka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor