Madaxweynaha Puntland oo kulamo ka bilaabay Magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay waxgaradka iyo odeyaasha mid ka mid ah beelaha degan Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.

Waxgaradka iyo Odeyaasha ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey, xaaladda guud ee Gobolka, Shirkii nabadeynta ee kusoo dhammaaday Galdogob oo ay qeyb ka ahaayeen Odeyaashu iyo guud ahaan amniga iyo horumarka Gobolka .

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la wadaagay Odeyaasha iyo Waxgaradkan Qorshaha Dowladda ee Gobolka, sida dhinacyada Amniga, nabadeynta iyo horumarka. Wuxuuna kula dardaarmay  in ay doorkooda qaataan oo ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo horumarka Gobolka.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu kalamo kale uu la qaadan doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media