Sheikh Sharif oo soo dhaweeyey Gudiga Cabdi Xaashi magacaabay

Madxweynihi hore ee Soomaaliya ahna Gudoomiyaha madasha Sharif Shiikh ayaa sheegay inen soo dhaweynayaan guddiga uu magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi ee ka howlgali doona isku-keenista madaxda labada heer Dowladeed iyo qabsoomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka Qaranka 2020/2021, si loo helo hannaan raali ay isaga yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka.
“Waa tallaabo mudan dhiiragalin iyo garab istaag, maadaama guddoonka Aqalka Sare ay muujiyeen biseyl iyo inay ka go’antahay xal ka gaarista mashaakilka muddada dheer u dhaxeeyey Madaxda labada heer ee dalka oo kala ah Dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah” Ayu yiri Sharif Sheikh Axmed
Waxaan ka rajeyneynaa in labada dhinac ay muujiyaan tanaasul iyo in laga fikiro mustaqbalka Soomaaliya oo wadahadal iyo isqancin oo kaliya guul lagu gaari karo.

 

Hadalka Sharif ayaa imaanaya xili madaxweyne Farmaajo ku qanacsaneyn haws isu so dhawaanshaha ee uu Cabdi Xaashi magacaabay

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media