18 qof oo lagu dhex diley masaajid ku yaalla Nayjeeriya

Ugu yaraan 18 qof, ayaa lagu dhex diley weerar lagu qaadey masaajid ku yaalla gobolka Nayjer, ee dhaca galbeedka dalka Nayjeeriya.

Sida ay sheegayaan warar laga soo xigtey dadka deegaanka, rag hubeysan ayaa gudaha u galey masjidka, iyagoo laayey dadkii ku tukanayey salaaddii subax.

Qof ku nool tuulada uu weerarku ka dhacey ee Maza-Kuka, ayaa u sheegay wargeyska The Punch, inaaney sheegi karin tiro sax ah, oo la xiriirta dhibaatadii dhacdey, laakiin waxaa laga soo bixiyey masjidka meydad gaaraya illaa iyo 18 qof.

Dableydii hubeysneyd ee weerarey tuulada Maza-Kuka, ayaa la sheegay iney wateen Dhug Dhugleey ama Mootooyin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor