Zambia oo Kenya u gacan gelisay rag lala xiriirinayo weerar ka dhacay Mandera.

Sida saakayto lagu soo daabacay Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, waxay Dowladda Zambia ku soo wareejiyeen Dowladda Kenya 4 Somali-Kenyan lala xiriirinayo weerar bishii November 22-dii ee sannadkii 2014-kii lagu qaaday Bas marayey duleedka magaalladda Mandera ee W/bari Kenya.

Weerarkaas waxaa ku geeriyootay 28 qof oo rakaab ah, iyadoo ay Alshabaab horey u sheegatay mas’uuliyadda Weerarkaasi.

Diyaarad Milliteri ay leeyihiin Ciiddanka Cirka ee Zambia ayaa la sheegay inay raggaasi ka soo qaadeen caasimadda dalkaasi ee Lusaka, iyadoo lagu wareejiyey Ciiddanka Boliska Kenya ugu qaabilsan La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda (ATPU).

Eedeysanayaashaasi oo habeenkii Sabtida ee la soo dhaafay la keenay magaalladda Nairobi waxaa magacyadooda lagu kala sheegay  Ibrahim Adan Hassan, Abdullahi Maalim Bishaar, Adenkar Diin Dhaayow iyo Ahmed Kitti C/xakiim.

Sidoo kale, Boliska Zambia waxay baadi-goobayaan Eededeysane kale oo lagu magacaabo Ahmed Aweys, kadib, markii ay Boliska Kenya soo bandhigeen sawiradda Eedeysanayaasha la baadi-goobayo.

Taliyaha Boliska Kenya, Joseph Boinnet waxa uu bishii hore sheegay in abaalmarin lacageed la dul-dhigay 4 Eedeysane oo uu sheegay inay ka dambeeyeen weeraro ka dhacay Mandhera.

Waxa uu magacyadda Eedeysanayaasha la raaadinayo ku kala sheegay C/llaahi Diyaat, Idiris Isaaq, Axmed Aweys iyo Maxamed Shide, kuwaasi oo uu xusay inay rumeysan yihiin inay weli ka hawlgalaan Mandera iyo Wajeer.

Dhinaca kale, Wargeyska The Star waxa uu qoray in Eedeysane kale oo magaciisa lagu sheegay Gilbert Eale Bolumwaseka lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Entebbe ee dalka Uganda, isagoo watay Lacag badan oo aan cadadeeda la sheegin.

Dowladda Uganda ayaa la filayaa inay ninkaasi u soo gacan-geliyaan Dowladda Kenya.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor