Warbaahinta Dowladda Syria ayaa sheegtay inay Yuhuudda waaberigii hore ee saakayto Tobanaan Gantaal ku soo tureen gudaha dalka Syria, isla markaana ay burburiyeen Saldhig Raadaar iyo Kayd Hub.
Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay inay Diyaaradaha Dagaalka Yuhuudda ay duqeyn la beegsadeen Degmadda BACATH ee Gobalka Quweytra.
Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Milliteriga Yuhuudda ayaa sheegay inay Duqeyntaasi kaga aar-goosanayeen Duqeyn ay Ciiddanka Iiraan ee jooga gudaha Syria la beegsadeen Baro ay Ciiddanka Yuhuudda ku leeyihiin Buuraha Golan Haytis oo Syria looga qabsaday dagaalkii dhacay sannadkii 1973-kii.
Ilaa 20 madfac ayaa la sheegay inay ku dhaceen goobaha ay Askarta Yuhuudda ka haystaan Buuraha Golan Heights.