Yemeniyiinta oo soo dhaweeyey Taageeradda Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Hawlgalka ka dhanka ah Xuutiyiinta

Dadka ku nool magaalladda Cadan ee Koonfurta Yeman ayaa soo bandhigay Shucuurtooda ku aadan Taageeradda Somalia ee Hawlgalka Isbahaysiga Sacuudiga ee laagula dagaalamayo Maleeshiyadda Xuutiyiinta.

Boor weyn oo lagu qoray Hal-ku-dhegga: “Mahadsanidiin Somalia iyo Sawirka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la suray Waddada ugu muhiimsan oo ku taalla Bartamaha Faras-magaallaha Cadan.
Shabakadda Wararka ee 7hadarmout.net ayaa soo bandhigtay Qoraal ay kaga hadashay arrintaasi, iyadoo ay inta badan Muwaadiniinta Yemen ka mahadceliyaan Kaalinta ay Somalia ka qaadanayso Hawlgalka Isbahaysiga Sacuudiga ee loogu magac daray “Duufaantii Kama Dambeysta”.

cadan2Madaxa Ololaha Hawlgalkaasi, ahna Madaxa Hay’adda Warbaahinta ee Alxaqiiqa, Faraas Alyaafici ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Somalia marar badan sheegay sida uu u taageersan yahay Dowladda Sharciga ee Yemen.

Faraas Alyaafici waxa uu intaasi ku daray inuu Madaxweyne Xsaan Sheekh Maxamuud ka sheegay Shirweynihii 26-aad ee Madaxda Dowladaha Carabta inay Hawlgalkaasi siinayaan Tas-hiilaad kasta si loogu guuleysto Hawlgalka Milliteri ee lagu soo celinayo Deganaanshaha iyo Nabadda dalka Yemen iyo Dowladda Sharciga ee uu Madaxweynaha ka yahay  Cabdi-rabu Mansuur Haadi.

Si kastaba ha ahaatee, Hawlgalka Isbahaysiga Sacuudiga hoggamainayo ayaa bilowday bishii Maarso ee sannadkii hore, waxayna Dowladda Sharciga ee Yemen haatan ka hawlgalaan magaalladda Cadan oo ah Magaalladda Labaad ee ugu weyn dalkaasi, marka laga soo tago magaallo-madaxda dalkaasi ee Sanca.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor