Yemen oo Bilaabeysa Qorshe Lagu Joojinayo Muhaajiriinta Afrika Ee Dalkeeda U Tahriiba

Dowladda Yemen ayaa Maanta oo Khamiis ah shaacisay iney Baddeeda ka bilaabeyso Khad Ammaan oo lagu Yareynayo Muhaajiriinta Afrika ka yimaada Ee Dalkeeda u soo haajira.

Khadkasi waxa uu ku dhirirsanan Doonaa Xeebaha Dalka Yemen 2 Kun iyo 5 boqol oo KM sida laga soo xigtay Saraakiisha Ilaaladda Xeebaha Yemen.

Aaggasi waxa lagu koobay 30 boqolkiiba goobaha ku hareereesan Biyaha Dalka Yemen sida uu Warbaahinta u sheegay Ahmed Subhi oo ah Madaxa Ciidamadda Ilaaladda Xeebaha Dalka Yemen.

Waxa uu intaasi ku daray Axmed Subhi in Muhaajiriinta Dalkasi gala in Badankooda ay ka yimaadeen Dalalka Afrika,kuwaas oo isku dhiiiba Xafiiska Hey’ada arrimaha Qaxootiga Qaramadda u qaabilsan Ee (UNHCR).

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Yemen Camir Ceydaruus ayaa hore u sheegay bishii june Ee Sanadkii hore in Muhaajiriintasi laga diiwangeliyay Yemen ay ku dhaw yihiin 7 boqol iyo 50 kun oo qof.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor