Yaradka Malia Obama ee lagu isku falisayo oo haatan gaaray 500 oo neef oo lo’ ah

Iyadoo ay Saaxafadaha Caalamka maalmahan  warka ugu sarreeya uu ka mid ahaa Garyaqaan u dhashay dalka Kenya  oo sheegay inuu jacayl diiran u qaaday mid ka mid ah labada gabdhood ee uu dhalay Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Hussien Obama.

Garyaqaanka oo lagu magacaabo Felix Kiprono Mategei ayaa sheegay inuu doonayo inuu Madaxweyne Obama u gudbiyo codsigiisa ku aadan inuu guursado Malia Barack Obama.

Waxa uu ballan-qaaday inuu yarad ahaan u bixin doono 50 neef oo lo’ ah, haddii loo ooggolaado inuu guursado curudda Obama.

Garyaqaanka ayaa u muuqda in lagu falisay yaradda uu sheegay inuu ka bixinayo Malia Barack Obama.

Waxaa soo baxay nin kale oo u dhashay dalka Kenya oo soo bandhigay inuu Malia Barack Obama u qaaday jacayl jacayl dhaafay.

Ninkaasi oo lagu magacaabo  ayaa soo bandhigay damaciisa ku aadan inuu guursado Malia Barack Obama.

Ninkaasi oo lagu magacaabo Jeff ole Kishau oo 24-jir ah ayaa sheegay inuu doonayo inii Madaxweyne Obama la xidido, kana guursado gabadha ugu weyn labadiisa gabdhood.

Jeff ole Kishau oo ka soo jeeda Qabiilka Massai Moran ayaa sheegay inuu aad u danaynayo inay marwo u noqoto Malia B.Obama.

Ninkaasi oo deggan Gobalka Narok, ahna nin agoon ah ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu Madaxweyne Obama la kulmo bisha soo socoto, marka uu booqashadda ku yimaado magaalladda Nairobi.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Obama u bandhigi doono ra’yihiisa ku aadan inuu guursado Malia Obama.

“Waxaan nafteyda u codsanayaa inaan jeclahay Malia Obama, waayo wey qurux badan tahay, fiican tahay. Ma awoodi inaan seexdo habeenkii” ayuu ku cataabay Jeff ole Kishau.

Mar uu ka hadlayey qaabka uu u jeclaaday Malia B.Obama, waxa uu sheegay inuu sawiradeeda ka dheehday Facebook, Whatsapp, Instagram iyo Twitterka,  isla markaana uu go’aansaday inuu aabaheeda ka codsado inuu guursado Malia.

“Waxaan u qaaday jacayl, waxaana lama huraan ah inaan iyada daryeelo” ayuu yiri ninkaasi ay laab-qaaday gabar aragti daaye, uusan kula xiriirin qoraal iyo khad toona.

Jeff ole Kishau oo weli doob ah ayaa wax laga weydiiyey haddii uu marna la xiriiray Malia, waxa uu sheegay inuu dadaal ugu jiro sidii uu farriintiisa ugu gudbin lahaa Warbaahinta Shisheeyaha iyo Websaytyadda kale.

Waxa kaloo uu sheegay inuu diyaariyey Wafdi isugu jira Siyaasiyiin iyo Odayaal ka soo jeeda qabiilkiisa, kuwaasi oo gacan ku siin doona wada-xaajoodka Malia B.Obama.

Jeff ole Kishau waxaa kaloo wax laga weydiiyey arrinta Garyaqaanka Felix Kiprono oo horey u muujiyey inuu danaynayo inuu guursado gabadha Obama.

Waxa uu sheegay inuu Garyaqaanka yahay qof iska kaftamayo, isla markaana ujeedadiisu tahay sidii uu u kasban lahaa dareenka Caalamka oo keliya.

“Saaxiibkey, Kiprono waxa uu ciyaar kaftan iska ah u dhigayaa gabadha Madaxwwynaha Maraykanka. Waayo, sidee ayaad u soo bandhigaysaa codsi 50 sac oo aad ka bixiso ninka ugu xoogga badan Caalamka “” ayuu yiri Jeff ole Kishau oo sii raaciyey inuu Garyaqaanka ka soo jeedo Qabiilka Kalenjiin oo iyagu caan ku ah Ciyaaraha Fudud.

Waxa uu ku booriyey inuu isku hawlo inuu gacaanta ku hayo dhaqanka qabiilkiisa.

Mar wax  laga weydiiyey sida isaga shaqsi ahaan loo rumeysan karo waxa uu sheegayo, wuxuuna carrabka ku adkeeyey inay Waxa uu intaasi ku daray inay ka go’an tahay inuu Malia aabaheeda siiyo 500 madax oo lo’ ah, isla markaana uu diyaar u yahay inuu lo’da u diro Maraykanka ama uu lacag ugu beddelo.

Mar la weydiiyey waxa uu ugala jeedo sooryadda 500  neef ee lo’da, waxa uu xusay in dhaqankaasi uu yahay Dhaqan u gaar ah dadka Afrikaanka.Felix Kiprono Mategei - Copy Jeff ole Kishau, a Maasai moran from Narok - Copy malia - Copy

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor