Yaa natiijada hordhaca ah loogu doortay Ra’iisul Wasaaraha dalka Jarmalka?

Hoggaamiyaha bidix dhexe ee, Olaf Scholz, ayaa u sheegay taageerayaal tiro badan oo sacbinayey, inuu ku faraxsan yahay natiijada uu ka keenay xisbiga doorashadii dhacdey maanta.

Wuxuu tilmaamey Scholz inuu aad ula dhacey muwaadiniinta dalka Jarmalka, iney u codeeyeen xisbigooda, sidii ay kal horaba uggu codeyn jireen, isagoo intaa raaciyey in xisbiga ay haatan xaaladdiisu tahay mid aad u wanaagsan.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu hoggaamiye Scholz wuxuu ku macneeyey natiijada doorashada ee maanta dhacdey mid guul ah.

Wuxuu carabka ku dhuftey in codbixiyeyaasha ay muujiyeen sida ay isaga u doonayaan inuu noqdo ra’iisal wasaaraha xiga ee Jarmalka, marka ay ka dagto xilka ra’iisal wasaarenimada, haweeneyda Angela Merkel, oo muddo dhan 16 sano dalkan soo hoggaamineysay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor