Yaa masuul ka ah ammaandarida ka jirta dalka Soomaaliya?

Dowladda Maraykanka waxay kordhisay Duqeymaha ay ka fuliyaan gudaha Somalia, sida lagu shaaciyey War-saaxafadeed ka soo baxay Taliska Dhexe ee Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFROCOM.

War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu muujiyey inay 28 Duqeyn sannadkan ka fuliyeen gudaha Somalia, oo lala beegsaday Alshabaab iyo Daacish-ta ku sugan Puntland.

Cilmi-baare African American ah oo lagu magacaabo RANDY SHORT ayaa ku eedeeyey Dowladda Maraykanka inay mas’uul ka tahay Deganaansho La’aanta ka jirta Somalia.

Cilmi-baaraha ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu shalay siiyey Telefishinka PRESS TV ee laga leeyahay dalka Iiraan,wuxuuna intaasi ku daray inay Maraykanka faragelintaasi wadeen 35-kii sanno ee la soo dhaafay, waa sida uu hadalka u dhigay.

“ Somalia waxay Deegaan muhiim u tahay Ganacsatada Maraykanka iyo weliba dhinaca Isku-dheelitirka Awoodaha ee liddiga ku ah Caddow Gobaleedkooda” ayuu yiri Cilmi-baaraha oo intaasi ku daray inay Somalia tahay Waddan hodan ku ah gudaha iyo dibedda Dahabka, isla markaana leh Dekedo kaabiga ku haya Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Wareysiga uu RANDY SHORT siiyey Telefishinka Press TV waxa kale oo uu ku xusay in Maraykanka u arkaan Deganaansho Somalia wax qalad ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna ku eedeeyey Maraykanka inay Maleeshiyo Kooxeed iyo Calooshood-u-shaqaystayaal u soo daabulaan Qaaradda Afrika si ay dagaalo uga abuuraan dalalka Afrika ee ay Ciiddanka AFRICOM  joogaan, kuwaasi oo ay Somalia, Niger iyo Afrikada Dhexe ka mid yihiin.

Taliska AFRICOM waxaa la asaasay sannadkii 2009-kii, waxayna ka hawlgalaan ugu yaraan 33 Waddan oo Afrikaan ah.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media