Yaa fududeeyay in la kala diro Golihii Wasiirada Puntland?

Qaar ka mid ah Golihii Wasiirada kalsoonida laga laabtay ee maamulka Puntland ayaa waxa ay Madaxweynaha Maamulkaas Cabduweli Maxamed Cali Gaass ku Eedeeyeen in uu qeyb ka ahaa kalsooni kala noqoshadii lagu sameeyay.

Waxa ay sheegeen in Maalmahaan ay socotay hadalheyn ku aadan in la doonayo in kalsoonida lagala laabto xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Cabduweli Maxamed Cali Gaas,ugu dambeena ay  Maanta dhacday.

Waxa ay ku Eedeeyeen in uu iska dhegatiray Codsiyo kaga yimid dhanka xubnaha Baarlamaanka taas oo ku aadaneed xalka gaarista Mooshinka lag keenay Golaha Wasiirada.

Sikstaba markii Baarlamaanka Maamulka Puntland ay kalsoonida kala laabteen Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa Cabduweli Maxamed Cali Gaas,waxa uu sheegay in uu soo dhaweynayo talaabada ay qaadeen Golaha Wakiilada Puntland taas oo shaki gelisay xildhibaanada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media