Xuutiyiinta oo lagu eedeeyey inay miinooyinka ku aasaan Deegaanadda Rayidka.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo saartay Warbixin cusub oo ay ku sheegtay inay boqolaal qof ku naf waayeen Miinooyinka, waxayna miinooyinka ka hor istaageen dadka Barakacayaasha inay deegaano kale u hayaamaan.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Maleeshiyadda Xuutiyiinta oo hub casri ah ka hela Dowladda Iiraan inay miinooyinka u adeegsadeen ugu yaraan 6 Gobal tan iyo bishii March ee sannadkii 2015-kii.

Human Rights Watch waxay kaloo sheegtay inay miinooyinka waxyeello u geystaan Shaqaalaha Samafalka iyo kuwa ku hawlan inay Miinooyinka ka saaraan goobaha lagu aasay.

Dhinaca kale, Kooxda Landmine Monitor ee u ololeysa Mamnuucista Miinooyinka ayaa sheegtay in ugu yaraan 988 qof dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen miinooyinka dhulka ee lagu aasay Yemen tan iyo sannadkii 2015-kii.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media