Xulka Qaranka ee Masar oo gaaray Federalka Raashiya oo lagu qabanayo Koobka Adduunka

Wafdi ka kooban 23 Ciyaartoyda Xulka Masar, Tababare iyo xubnin ka tirsan Xiriirka K/Cagta Masar ayaa ka degay magaalladda Grozny oo caasimad u ah dalka Jekniya ( The Chechen capital), oo ka tirsan Federalka dalka Raashiya.

Wafdiga Masar waxaa hoggaaminaya Casaam C/fataax oo xubin ka ah X.K.Cagta ee Masar, waxay ka qeyb geli doonaan Tartanka Koobka Adduiunka oo ay Dowladda Raashiya sannadkan marti-gelinayso.

Xulka K/cagta Masar waxay ciyaartooda koowaad Duhurnimadda  maalinta Jimcaha soo socota (15-ka June) Garoonka Grozny kula ciyaari doonaan Xulka dalka Uruguay.

Tartanka Koobka Adduunka ee sannadkan, waxaa lagu ciyaari doonaa 12 Garoon oo ku kala yaalla 11 magaallo oo ka tirsan Federalka Raashiya, waxayna Ciyaaruhu bilbaan doonaan bishan June 14-daa ilaa bisha soo socota ee July 15-da.

Sannadkan Koobka Adduunka waxaa si wadajir ah markii ugu horreysay 4 Waddan oo Carab ah, kuwaasi oo kala ah Masar, Sacuudiga, Tunisia iyo Morooko ama Maqrib.

Xulka Masar waxay Taariikh ahaan ka qeyb galeen 3 tartanka Koobka Adduunka (Sannadihii 1934, 1990 iyo sannadkan 2018-ka).

hALKAN KA DAAWO MARKII AY KOOXDA XULKA MASAR KA DEGEEN GAROONKA GROZNY:

https://youtu.be/i6yOTP92J2s

Sidoo kale, daawo Sawiradda Xulka Masar oo geeddi u soo ah Koobka Adduunka:

WQ. Ustaad Nuradin

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media