Dowladda Talyaaniga oo dib u celin doonta 500,000 oo Muhaajiriin ah

Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha ee dalka Talyaaniga, Matteo Salvini waxa uu shalay sheegay in Dib-u-celinta Muhaajiriinta tahay mid ka mid ah Muhiimadiisa sare ee dalkaasi.

 

Matteo Salvini oo ka tirsan Xisbiga LEGA NORD PARTY waxa uu sheegay inay ka go’an tahay sidii looga hortegi lahaa Muhaajiriinta sida sharci-darradda ku soo gala Talyaaniga.

Wargeyska “The Guardian” ayaa qoray inuu  Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha ee dalka Talyaaniga, Matteo Salvini horey u ballan qaaday markii uu ku jiray Ololihiisa Doorashadda inuu Talyaaniga ka masaafurin doono 500,000 oo Soo-galooti ah. 

Waxa kale oo uu tilmaamay inuu wax ka beddeli doono halka lagu hayo Muhaajiriinta magan-gelyo-doonka ah.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media