Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay waqtiga uu furmayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare Dr. C/raxmaan Daahir Cusmaan oo shalay shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay qabaneyso Imtixaanka Shaadiga ee Dugsiga sare ee sanad Dugsiyeedka 2017 iyo 2018-ka.

Wasiirka Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in imtixaanka sanadkan ay ka qeyb geli doonaan 27-kun oo Arday,isagoona tillmaamay in imtixaanka uu ka qabsoomayo dhamaan maamul Gobolleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Sidoo kale,Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare oo lagu diyaariyay dalka gudihiisa la qaban doono 12-ka bisha May ee sanadkan 2018-ka,waxaana Qarashaadka ku baxaya dhamaan bixinaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii,Dr. C/raxmaan Daahir Cusmaan,Wasiirka Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare ayaa bogaadiyay Hay’adaha amaanka sida hufan ee uga qeyb qaataan sugida ammaanka dhammaan xarumaha Waxbarasho ee lagu qabto Imtixaanaadka Dugsiyada sare ee Dowladda ay qaato.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media