Xukuumadda Soomaaliya oo cambaareysay weerarka argagaxiso ee lagu beegsaday kolonyo gargaar oo Imaaraati ah Magaalada Muqdisho

War- saxaafadeed

Xukuumadda Soomaaliya oo cambaareysay weerarka argagaxiso ee lagu beegsaday kolonyo gargaar oo Imaaraati ah Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareyneysaa weerarka argagaxiso ee lagu beegsaday maanta oo Arbaco ah ( 24 June) kolonyo gargaar Imaaraati ah Caasimadda Muqdisho , kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah.

Waxaan cadeyneynaa in falkaasi dambiga ah oo loo adeegsaday gaari miineysan laguna beegsaday kolonyada xilli ay mareysay fagaaraha qaranka “ Tarabuunka” uu ahaa fal fuleynimo oo argagaxiso ah , marna ma qalqalin doono kalsoonideena, waxaanu qaadi doonnaa tallaabooyin wax ku ool ah oo ka dhan ah argagaxisada iyo aragtiyada lunsan , ma hakan doono geedi socodka nabadda iyo dib u heshiisiinta , iskaba daa ma hakan doono go’aankeena dabargoynta argagaxisada , waxaanu xoojin doonaa go’aankeena aan iskaashiga si adag ula sameyneyno saaxiibadeena caalamiga ah oo ay ku jirto Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta iyo Dowladaha kale .

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si falgal ah oo xiriir ah ay ula shaqeyneysaa dowladaha saaxiibka ah , Ururada gobolka iyo caalamiga , si loo gaarsiiyo guud ahaan Soomaaliya kala dambeynta , qaanuunka iyo dowlad wanaaga .

Waxa aanu tacsi u direynaa qoysaska dhibanayaasha , waxa aanu cadeyneynaa inaanu si dhameystiran u taageersannahay Dowladda iyo Shacabka Isutagga Imaaraat-ka Carabta .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor