Xukuumadda Federalka oo sheegtay inaan la joojin doonin Diyaaradihii isaga kala gooshi jirey Somalia iyo Somaliland

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federalka, Cali Axmed Jamac “Jangeli” ayaa sheegay inuu Go’aanka Jeneral Gaafow yahay Aragti isaga u gaar ah.

“Ma jiraan wararka sheegayo in la xirayo Duulimaadyadaasi” ayuu Wasiir Jangeli sheegay, isagoo xusay inuusan jirin Go’aan ka soo baxay Xukuumadda Federalka oo lagu ansixiyey arrintaasi.

Hadalka Wasiirka waxa uu u muuqdaa mid meesha ka saaray Wareegtaddii uu Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Somalia, Jeneral C/llaahi Gaabow Maxamuud dhaawaan soo saaray ee uu ku sheegay in la joojinayo Diyaaradaha isaga kala goosha Muqdisho-Berbera-Hargeysa.

Jeneral Gaafow oo haatan ku sugan magaalladda Nairobi ayaa sheegay inaan la aqbali karin inay Maamulka Somaliland u soo jaraan Go Home dadka u soo dhoofayo magaalladda Muqdisho.

Waxa uu intaasi ku daray inay qalad tahay in dadkaasi laga qaado lacag si loogu sameeyo Waraaqaha “Aad Gurigaaga”.

Halkan ka akhriso Wareegtada Jeneral Gaafow:

WAREEGTO DIYAARADAHA

Dhinaca kale, Shirkadaha Diyaraadaha ayaa waxay maalin kasta sameeyaan Duullimaadyo ay isaga kala gooshaan magaallooyinka Muqdisho-Berbera-Hargeysa, iyadoo dadka raaca Duullimaadyadaasia ay isugu jiraan Ganacsato, Arday iyo Qoysas  deggan Hargeysa iyo kuwo kale oo uga sii gudba dalka Ethiopia.

©Radio Dalsan         

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor