Xukuumadda Federalka oo sheegtay in Weerarkii Aw Dheegle lagu dilay, laguna qabtay tiro Saraakiil Alshabaab.

Afhayeenka Xukuumadda Federalka Somalia, C/salaam Axmed Caato oo la hadlay Telefishinka CNN-ka, ayaa sheegay in Ciiddamo Khaas oo Maraykan iyo Komaandooska Milliteriga Somalia  ay gacanta ku dhigeen tiro aka tirsan Saraakiil qiimo sare u leh Alshabaab, kadib, weerarkii Habeenkii Talaadada lagu qaaday Deegaanka Aw Dheegle ee Gobalka Sh/hoose.

Afhayeenka waxa kaloo uu sheegay in Hawlgalkaasi lagu dilay ugu yaraan Hoggaamiye ka tirsan Alshabaab iyo dhowr xubnood oo ka tirsan Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Afhayeenka waxa uu xusay inay  unug ka tirsan Ciiddanka Komaandooska Somalia ee loo yaqaano Danab ka qeyb galeen Hawlgalkaasi gaarka ahaa ee lagu qaaday Aw Dheegle.

“Dowladda Somalia wey soo dhaweynayaa inay Maraykanka iyo Ciiddamadda kale kala shaqeeyaan sidii looga adkaan lahaa Alshabaab” ayuu yiri Afhayeen C/salaam Caato.

Dhinaca kale, Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Maraykaanka, Captain Jeff Davis ayaa sheegay inay Komaandooska Maraykanka ku taageereen Komaandooska Somalia La-talin iyo Hagid weerarkii laguqaaday Aw Dheegle.

“Milliteriga Maraykanka waxay Hawlgalkaasi ka qaateen door La-talin oo aysan Milliteriga Somali u lahayn awood si loo fuliyo Hawlgalkaasi” ayuu yiri Afhayeenka Pentagonka, oo ka gaabsaday Faahfaahinta Natiijadda Hawlgalkii Aw Dheegle.

Hawlgalkaasi ayaa u muuqda inuu yahay kii ugu horreeyey oo ay Ciiddamo Maraykan ka qeyb galaan Dagaalka dhulka ah oo ka dhaca Somalia, tan iyo wixii la dambeeyey markii 18 Askari oo Maraykan ah lagu dilay dagaal ay Maleeshiyaddii Jeneral Caydiid kula galeen magaalladda Muqdisho bishii October ee sannadkii 1993-kii.

Labo Diyaaradaha Helikobtarada ee Black Hawk ayaana lagu riday dagaalkaasi, iyadoo Filim loogu magac daray Black Hawk laga sameeyey dagaalkaasi dhacay muddo haatan laga joogo ku-dhawaad 23 sanno.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor