Xukuumadda Federalka oo ka hadashay Maamulka Bakool Sare, iyo Puntland iyo Jubbaland oo aqoonsaday.

Bishan December 25-dii waxaa Degmadda Ceel-berde ee Gobalka Bakool looga dhawaaqay Maamul-gobaleed la magac baxay Bakool Sare, wuxuuna Maamulkaasi xukumi doonaan Degmooyinka Ceel-berde, Yeed iyo Aato.

Madaxweynaha Maamulkaasi waxaa loo doortay Axmed Maxamed Mashruuc, kaasi oo horey Wasiir uga ahaa Maamul-gobaleedka K/galbeed ee xukuma Goballadda Sh/hoose, Bay iyo Bakool.

Tallaabadda lagu dhisay Maamulkaasi waxaa soo dhaweeyey o oaqoonsaday Maamul-gobaleedyadda Puntland iyo Jubbaland  oo la rumeysan yahay inay ku lug leeyihiin Dhismaha Maamulkaasi.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Federalka, C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa’” ayaa sheegay inay Degmooyinka Ceel-berde, Yeed iyo Aato hoos tagaan Maamul-gobaleedka K/galbeed Somalia.

Wasiirka oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da  ayaa  sheegay in xubnaha ku dhawaaqay Maamulkaasi wax ka tebanayaan Maamulka K/galbeed, isla markaana dadaal loogu geli doono sidii Xal looga gaari lahaa arrintaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Dhismaha Maamulka Bakool Sare ayaa u muuqda in loo asaasay Ujeedo Dahsoon iyo  Gorgortan Siyaasadeed, wuxuuna xagal-daacin karaa Shirarka Golaha Wada-tashiga Qaranka iyo Qorshaha Federalismka Somalia.

©Radio Dalsan