Xukuumadda Federalka oo ka hadashay Duqeymihii Maraykanka ku dileen 150 dagaalyahano Alshabaab.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federalka, C/salaam Hadliye Cumar ayaa sheegay inay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA taageero ka geysteen xogta ku aadan Duqeynta ay Diyaaradaha Maraykanka la beegsadeen Xero ay Alshabaab ku tababar qaataan oo ku taalla duleedka Degmadda Buulo-burde ee Gobalka Hiiraan.

Wasiirka ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas oo uu siiyey Wakaalladda Wararka REUTERS ee laga leeyahay dalka Britain, wuxuuna xusay inay Sirdoonka Somalia taageero ka geysteen Duqeyntaasi.

“Waxay duqeyntaasi dhabar-jab xooggan ku tahay Alshabaab, waxay tahay guul weyn oo laga soo hooyey La-dagaalanka Argagixisadda” ayuu yiri Wasiir Hadliye.

Waxa uu intaasi ku daray inay duqeyntaasi ahayd bartilmaameed Milliteri, isagoo tilmaamay inay  Alshabaab weeraraan dadka Rayidka.

Hadalka Wasiirka ayaa waxa uu ku soo beegmay iyada oo uu Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka “The Pentagon”, Captain Jeff Davis sheegay inay 150 dagaalyahano Alshabaab ku dileen duqeymo ay ka geysteen Xeradda Tababarka Raaso oo 120 maylis dhanka Waqooyiga kaga toosan magaalladda Muqdisho.

Waxa uu intaasi ku daray inay Duqeymahaasi u adeegsadeen Diyaaradaha Duuliyaha leh iyo kuwa la hago ee Droneska.

Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka “The Pentagon”, Kabtan Jeff Davis waxa uu tilmaamay inay Sirdoonka Maraykanka muddo dhowr Toddobaad ilaalo ku hayeen Xeradda Rasso, ka hor inta aan la qaadin Weerarkaasi oo uu xusay in looga hortegay Khatar ka soo socotay Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka waxa uu tilmamaay inay ka hortageen waxa uu ugu yeeray Khatar ku soo fool lahayd Maraykanka iyo Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ee ku sugan gudaha Somalia.

Afhayeenka Pentagon waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin kale ka bixiyo qaabka ay Maraykanka ugu suurtogashay inay beegsadaan Xeradaasi.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor