Xukuumadda Federalka oo ka codsatay Jaamacadda Alazhar inay ka taageeraan La-dagaalanka Afkaarta Xag-jirnimadda.

Shiikha Jamaacadda Diiniga ee Alazhar ee dalka Masar, Dr. Axmed Aldayib waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federalka Somalia, C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim “Baqdaadi” oo haatan booqasho rasmi ah ku jooga caasimadda dalka Masar ee Qaahir.

Wasiir Baqdaadi oo ka hadlay Munaasabadaasi waxa uu ka mahadceliyey doorka ay Jamaacadda Azhar ka qaadato Horumarinta Culuunta Islaamka, wuxuuna ugu baaqay inay Somalia ka taageeraan La-dagaalanka Aragtiyaha Xag-jirka ee khatarta ku haya Deganaanshaha Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay Somalia u baahan tahay  inay Jaamacadda Alazhar  ka taageeraan dhinacyadda Waxbarashadda iyo Fidinta Dacwadaha Islaamka.

Wasiirka waxa kaloo uu ku ammaanay Jaamacadda Alazhar kaalinta ay ka qaataan Nabadaynta iyo Is-cafinta Shacuubta iyo Dalalka Islaamka.

Dhinaca kale, Madaxa Jaamacadda Alazhar, Dr. Axmed Aldayib, waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin inay Shacabka Soomaaliyeed u fidiyaan Taageeradda dhinacyadda Waxbarashadda iyo Faafinta Dacwadda Islaamka.

Waxa uu intaasi ku daray in Ardayda Soomaalida ee Deeqaha Waxbarashadda (Minxa) ka hela Jamaacadda Alazhar, gaar ahaan Kulliyadda Shareecadda iyo Tababarka Iimaamyadda Soomaalida si ay Ummadda uga wacyi-geliyaan Fikradaha Xag-jirnimadda.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor