Xukuumadaha Somalia iyo Malta oo ka wada hadlay Tahriibayaasha Soomaalida ku sugan Malta.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Xukuumadda Federalka Somalia, Abdisalam Hadliye Omar  waxa uu uga magadceliyey Dowladda Malta sida ay u badbaadiyaan noloshga Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee ka soo cararayo dhibaatooyinka.

Wasiir Hadliye ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Ra’isul-wasaaraha Malta, Joseph Masct kula kulmay Caasimadda dalka Qatar ee Doha.

“Malta, sida Talyaaniga iyo Jesiiradda yare e Lampedusa waxay kaalmo siinayaan dadkaasi, iyagoo dan siyaasadeed iyo mahadcelin ka rebin” ayuu yiri Wasiir Hadliye.

Waxa uu intaasi ku daray in uu uga mahadcelinayo gargaarkaasi, isagoo xusay inay dadka Tahriibayaasha yihiin dad saxariir kala kulmay Xag-jirnimadda iyo dhibaatadda Dhaqaale.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Xukuumadda Federalka Somalia waxa kaloo  uu sheegay inay Dowladda Somalia aad uga faraxsan tahay Samafalka ay Malta u fidinayso Tahriibayaasha Soomaalida ku nool Jesiiradda Malta.

Dhinaca kale, Wasiir Hadliye inta aan xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda loo magacaabin bishii January ee la soo dhaafay waxa uu ahaa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia.

Bishii September ee sannadkii 2013-kii ayuu xilka Bangiga iska casilay, kadib, markii Warbixin ay QM soo saartay ku eedeysay inuu ku lug lahaa Malaayiin Dollar oo si qaldan lagala baxay Bangiga Dhexe ee Somalia.

Abdisalam Hadliye waxa uu beeniyey eedeymahaasi, isagoo xilligaasi iska casilay xilka Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia.

Xigasho:- MaltaToday

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor