Xukuumadda Federalka oo sheegtay in la qabtay ninkii ka dambeeyey dilkii Weriye Hindiya Xaaji

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dalxiiska iyo Dhaqanka ee Xukuumadda Federalka, C/llaahi Colaad Rooble ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay ninkii soo abaabulay qorshihii lagu dilay Allaha U Naxariistee Marxuumad Weriye Hindiya Xaaji Maxamed.

Md. Cabdullahi Colaad RoobleWasiir-ku-xigeenka ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu shalay ka qeyb galay Munaasabad ka dhacday magaalladda Muqdisho, oo lagu xusayey Weriye C/salaan Sheekh Xasan “Xiis” oo ka tirsanaa Telefishinka Horn Cable, kaasi oo ay kooxo hubeysan dileen muddo haatan laga joogo 4 sanno.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dalxiiska iyo Dhaqanka ee Xukuumadda Federalka, C/llaahi Colaad Rooble waxa uu sheegay in Eedeysanaha dilay Marxuumad Hindiya Xaaji Maxamed haatan lagu hayo Baaritaano, isla markaana dhawaan loo soo bandhigi doono Saxaafadda,

Allaha U Naxariistee Hindiya Xaaji Maxamed waxay bilowgii bishan ku geeriyootay Qarax loogu xiray gaarigeeda, xilli ay maraysay agagaarka Isgoyska KM ee magaalladda Muqdisho.

Marxumadda waxay ka tirsanayd Weriyayaasha Radio Muqdisho iyo Telefishinka SNTV, waxayna ifka kaga tegtay dhowr carruur ah.

Dowladda Federalka Somalia ayaa sheegtay inay damaanad-qaadayaan Daryeelka Ubadka ay ka tagtay Weriye Hindiya Xaaji Maxamed.

©Radio Dalsan    

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor