Xukuumada Soomaaliya oo Sheegtay iney dhiseyso Ciidamada

Ra’iisul ku xigeenka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in ay xukuumada waqti badan gelin doonto dhismaha ciidamada Amniga aadna looga shaqeyn doono tayadooda.

Maxamed Cumar Carte waxa uu sheegay in ay xukuumada wax ka bedeli doonto arinta mushaarka askarta oo ah dhibka ugu badan ee soo wajaha ciidamada dowlada.

Ciidamada Soomaaliya ayaa aad cabasho uga muujiya mushaar la’aan iyaga oo sheega in AMISOM ay helan mushaar joogta ah aadna uga badan mushaaraadka ay dhowr bilood sugan.

Xukuumadii ra’iisul wasaare Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay si toos u bilawday mushaaradkii askarta dowlada balse ma noqon mid sii raagtay markii Farmaajo uu xilka waayay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor