Xukuumada Soomaaliya Oo Ka Digtay Halista Bariis Caag Ka Sameysan Oo Maalmahaan Suuqyada Caalamka Lasoo Geliyay

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay raashinka aan la koontoroolin tayadiisa iyo la socodka waxyaabaha dalka soo gelaayo, iyadoo si gaar ah farta ugu fiiqday barils caag ah oo maalmahaan baraha bulshada lagu soo bandhigayay oo soo galay suuqyada caalamka qaarkood.

Wasiirka beeraha dowladda federaalka Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in ay la socdaan bariiska caaga ka sameysan iyo doolsho koolo laga sameeyay oo suuqyada caalamka ku jira, wuxuuna tilmaamay in taasi looga hortegi karo la socodka waxyaabaha dalka soo gala iyo wixii ka baxo.

Hadalkaan ayuu wasiirka ka jeediyay shir looga hadlayay arrimaha abuurka beeraha iyo hubinta cuntada beeraha kasoo jeeda, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la helo sharci waxyaabahaasi dhan ilaalin waxyaabaha dalka soo gelaaid.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor