Xukun lagu riday Eedeysanayaal tahriibinayey Gantaal

Maxkamad Gobaleedka Rostov ee dalka Raashiya waxay maanta Xukun ku riday Labo Nin oo lagu helay inay tahriibinayeen qeybo ka mid ah Gantaalka Nidaamka Difaaca Hawada ee S 300.

Labada Eedeysane oo u kala dhashay dalalka Raashiya iyo Yukrayn waxaa lagu soo oogay Fal-dembiyeedka Basaasnimo iyo Khiayano Qaran, iyagoo la sheegay inay  doonayeen inay Qalabka Raadaarka ee S 300 u gudbiyaan Shirkadda Difaaca ee dalka Yukrayn.

Eedeysanaha u dhashay Raashiya oo lagu magacaabo Denis Lobof  waxaa lagu  xukumay  Xabsi 9 sano iyo 6 bilood, halka Eedeysanaha u dhashay Yukrayn oo lagu magacaabo Ararat Khajatrayan lagu xukumay 10-sano iyo 5 bilood oo Xabsi ah.

Maxkamaddu waxay kaloo amartay in Labada Eedeysane  lagu xiro Xabsi amaankiisa aad loo ilaaliyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor