Xujeyda Soomaalida iyo kuwo kale oo loogu baaqay inay qaataan goojadda looga hortago cuddurka Polio

Afhayeenka rasmiga ee Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Sacuudiga, Dr. Khaalid Bin Maxamed Al-murkhulaani ayaa sheegay in la adkeeyey xaalladda caafimaadka ee dadka gudanayo Waajibaadka Xajka iyo Cimradda ee sannadkan.

Afhayeenka waxa uu sheegay in dhamaan Xujeeyda iyo dadka cimreysanayo loo baahan yahay inay qaataan daawada looga hortago qandhada cuddurka Menajaytiska  (Fever meningitis) ama  (الشوكية المخية الحمى). Afhayeenka waxa uu si gaar ah ugu baaqay  Xujeyda ka kala imaanayso dalalka Somalia, Pakistan, Afghanistan, Nigeria, Cameroon, Ethiopia, Syria,Yemen, Falastiin, Gini, Iraq, Equatorial Gini, Koonfurta Sudan iyo Madagaskar inay horey u soo qaataan Waraaqaha Caafimaadka ee xajiinayo inay soo qaateen dhibcooyinka goojadda (the oral polio vaccine) looga hortago cuddurka Dabaysha ama Polio. Waxa uu Xujeyda u sheegay inay goojadda ka-hortagga Dabaysha qaataan lix Toddobaad ka hor intaysan u soo ambabixin Xajka, iyadoo Xujeyda mar kalena la siinayo Goojadaasi marka ay ka soo degaan Garoomada Diyaaradaha iyo Dekeddaha dalka Sacuudiga. Dhinaca kale, Afhayeenka rasmiga ee Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Sacuudiga, Dr. Khaalid Bin Maxamed Al-murkhulaani waxa uu sheegay inaan wax Fiiso ah la siin doonin Xujeyda ka imanaanayo dalalka Gini iyo Sierra Leone oo uu weli ka jiro cuddurka Ebolaha, sida ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO xaqiijiyeen. © Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor