Xubno ka tirsan Ximin iyo Xeeb oo ka soo Baxday Shirka Ahlu Sunna

Xubno ka tirsan Maamulka Ximin iyo Xeeb oo ka soo baxay Shirka Ahlu Sunna ay ka wado Magaaladda Dhuusamareeb ee Shalay Madaxweynaha lagu doortay ayaa Maanta gaaray Cadaado.

Xubnahasi oo qarkood la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in markii hore ay iyagga go’aansadeen iney shirka Ahlu Sunna ay ku biiran lkn wax badan markii ay isbadaleen ay ka noqdeen go’aankii hore dibna ay ugu laabteen Magaaladda Cadaado Ee Xarunta Maamulka Ximin iyo Xeeb.

Ahlu Sunna waljameeca ayaa ka soo horjeeda Shirka ka socda Magaaladda cadaado waxa ayna hore ugu dhawaaqday ineysan aqoonsan doonin Natiijadda ka soo baxda Shirkasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor