Xubno ka tirsan Golaha Aqalka Sare oo tegaya deegaano ka mid ah Maamulka Hir-Shabeelle

Guddiyadda Joogtada ee Aqalka Sare,  ayaa ka shiray Xiritaanka Kalfadhiga Labaad ee Golaha Aqalka iyo Safar Shaqo Xubno ka tirsan Golaha ku aadayaan Maamulka Hirshabeele iyo Qodobo kale.

Waxaa kullankooda Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee JFS, waxaana Habdhowraha Aqalka Sare Sanater C/kaafi  Macalin Xasan oo Warbaahinta qaranka la hadlay uu sheegay in muhiimaddu tahay in dhowaan soo xirmayo kalfadhiga Labaad Golaha Aqalka Sare.

“Dhowaan waxaa soo xirmaya Kalfadhiga labaad ee Golaha Aqalka sare haddii alle idmo,  waxaa kale oo jira safar shaqo oo lagu tagayo Maamulka Hirshabeelle,  arrintaasna muhiim gaar ah ayey inoo leedahay”. ayuu yiri C/kaafi

Dhanka kale Guddiyada Joogtada ee Aqalka Sare,  ayaa la kulmay Hey’adda Gargaar iyo Gurmadka,  taas oo ka shaqeysa Carruurta Agoonta ah iyo Daryeelkooda,  waxaana Guddiga ay siisay Warbixin ku saabsan waxyaabaha ay diiraada Saaraan.

C.qaadir Abtdoon waa Madaxa Hey’adan Wareysi uu siiyey Warbaahinta Qaranka ayuu ku sheegay in muhiimadoodu tahay siddii  Nolosha agoonta loo-kafaalo qaadi lahaa..

Senatarada Aqalka Xubno Badan oo kamida ah,  ayaa kafaalo qaaday Nolasha Caruur agoon ah,  kuwaas oo loogu geeyey Xarunta Aqalka Sare.

Sanatar Abshir Xaashi ayaana kamida oo kafaalo qaaday C.xamiid Axmed Maxamed oo Shansano jir ah.

“Waxaan dareemi karaa dhibaatada ay agoontu leedahay aniga oo lix sano jir ah ayaa aabahey dhintay runtii taasna waxaa fahmi kara qofksta,  waxaan Ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa inay agoonta garab siiyaan”. ayuu yiri Sanatar Abshir

Sidoo kale Guddoomiye ku xiggeenka Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed,  ayaa isna sidoo kale kafaalo qaaday labo gabdhood oo agoon ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media