Xubnihii Guddiga doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo doortay guddoomiye

Xarunta Villa Hargeysa ee Magalada Muqdisho waxaa lagu qabtay kulan lagu doortay guddoomiyaha 15-kii Xubnood ee loo magacaabay in ay qaban qaabiyaan doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga ayaa waxa ay guddoomiye u doorteen Xildhibaan Nuur Iidoow Beyle oo dhawaan Baarlamaanka ku soo biiray kadib doorasho ka dhacday Magalada Jowhar.

Guddiga qaban qaabada doorashada guddoomiyaha Golaha Shacab oo ka kooban 15 Xubnood ayaa laga soo xulay Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxa ayna howshooda wadan doonaan ilaa laga doorto guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media