Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM oo ku soo wajahan Somalia.

Guddoomiyaha Xilligan ee Golaha Ammaanka ee QM, ahna Danjiraha Dowladda Masar u jooga QM,  Ambassador Amr Aboulatta, ayaa sheegay inay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM booqasho ku imaan doonaan Somalia, si ay Dadka Soomaaliyeed ugu muujiyaan Taageeradda ay u hayaan Doorashooyinka bisha August ee sannadkan ka dhici doonta Somalia.

Ambassador Amr Aboulatta, waxa uu tilmaamay in 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM  booqashadooda qaadan doonto bishan 17-da ilaa 21-da, isla marrkaana ay booqan doonaan Nairobi iyo Qaahira.

Waxa uu intaasi ku daray inay Wafdiga magaalladda Qaahira kula kulmi doonaan Madaxda Ururka Jamaacadda Carabta oo ay kala hadli doonaan Qaddiyadda Somalia iyo qorshaha Hawlihiisa ee bishan uu Madaxda ka yahay Golaha Ammaanka ee QM.

“Golaha waxay u soo socdaalayaan Somalia si ay u taageeraab Doorashooyinka la filayo in la qabto bisha August, waxaana isku hawli doonaa sidii uu Goluhu u taageeri lahaa Doorashooyinkaas” ayuu yiri Ambassador Amr Aboulatta,

Bishii la soo dhaafay, Golaha Ammaanka ee QM waxay dhegeysteen Warbixin ku aadan Xaalladda dalka Somalia Kulan Khaas oo ay ku yeesheen magaalladda New York oo uu ka qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor