Xubnaha FIFA oo Maanta Lagu Wado Iney Codadkooda Ka Dhiibtan Doorashadda Madaxtinimadda Hey’addasi

Xubnaha FIFA ee ayaa Maanta la rajeynayaa Iney Codadkooda ka dhiibtan Doorashada FIFA ee loogu tartamayo Madaxtinimadda Hey’adda.

Waxa ku tartami Doonna Madaxweynaha Imminka taladda Haya Josef Sebalata iyo Amiir Cali Bin Al Xuseen.

Dhinaca kale waxa weli xiran 7 Sarkaal oo ka tirsan Hey’adda FIFA,kuwaas oo Maalintii Arbacadda lagu xeray Magaaladda Suyuriq.

Xubnahasi Waxa lagu soo oogay Wax isdaba –marin iyo Musuq maasuq Xoogan oo ku saabsan Cod u qaadid loo sameeyay Qabashadda Koobabka Adduunka ee 2018 iyo 2022ka.

Madaxweyne Josef sebalata ayaa doonaya inuu markiisa 5 aad uu noqdo Madaxweynaha FIFA lkn uma muuqato madama ay aad uga soo horjeedan Dalalka Midowga Yurub iyo Dalka Mareekanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor