Xubnaha Aqalka Sare oo kulan ku leh Magaalada Muqdisho

Mudanayaasha  Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay yeeshaan kulankoodi caadiga ahaa,kaasi oo ay kaga kadlayaan howlaha horyaala.

Golaha Aqalka sare ayaa waxaa maanta uu ka doodayaa habraaca xeerka Misaaniyadda Dowladda ee 2018,Cabaas Maxamed Faarax oo warbaahinta Qaranka u qaabilsan Aqalka Sare ayaa sheegay in maanta Golaha Aqalka sare kulankiisa uu ku saabsan yahay arrimaha miisaaniyadda Dalka.

Waxaa  Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 ay ka koobantahay lacagtan  274 malyan,taasi oo horey ay u soo ansixiyeen xildhibaanada Goalaha Shacabka ee Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media