Xubintii labaad oo ka tirsan Guddiga taakuleynta Ciidamada oo is casishay

Waxaa ku dhawaaqay in uu is casilay Maxamed Yuusuf Tigey oo ka mid  ahaa Xubnaha  Guddiga taakuleynta ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Sababaha is casilaadiisa ayaa waxa uu ku sababeeyay dhowr qodob oo kala ah.

1:- Madaxbaani la’aan uu sheegay in ay heysato Guddiga.

2:- Isku  dheelitir la’aan ka muuqato Guddiga

Iyo sidoo kale Ixtirmaan la’aan heysato guddiga sida uu isaga sheegay.

War Qoraal ah oo uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay  Facebook ayaa waxa uu ku cadeeyay in ay ka dambeysay is casilaadiisa.

Horay ayaa waxaa shaaciyay in uu isku casilay gudoomiyihii guddiga taakuleynta Ciidamada Qalabka sida Jen, Jaamac Maxamed Qaalib oo uu Madaxweyne Farmaajo Magacabay 9,kii july ee Sanadkaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media