Goordhow ayaa waxaa la soo gabagabeeyay Kulan ay Maanta Muqdisho ku lahaayeen Xubnaha aqalka sare,kaas oo maanta la horgeeyay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.
Kulanka maanta ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa ilaa 40 mudane oo ka tirsan Xubnaha Aqalka Sare,waxaana dood dheer kadib 39 ka mid ah ay ansixiyeen Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.
Sidoo kale mid ka mid ah Xubnaha Aqalka sare ayaa ka aamusay,guddoonka Aqalka sare ayaana ku dhawaaqay in sidaasi ay ku ansixiyeen Sharciga Isgaarsiinta Qaranka oo ay horay baarlamaanka u ansixiyeen.
Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u soo dhaweeyay ansixintii Golaha Shacabka ee Sharciga Isgaarsiinta dalka,oo muhiim u ah howlaha Qaranka.