Xoolo Gaaraya 116 Neef oo Ku Geeriyooday Biyo Sumeysan

Ugu yaraan 116 Neef oo isugu jira Ari iyo Iddo ayaa ku geeriyooday 72 kalena waa ay ka badbaadeen Biyo Sumeysan oo ka Cabeen goob Xoolaha laga waraabiyo oo ku taala Bariga Hargeysa.

Xoolaha Sunta ay gaartay waa 188 balse Waxa ka badbaaday 72 Neef sida laga soo xigtay Dadka Deegaanka.

Dhamaan Xoolaha Sumeysmay waxa lahaa Laba Qoys oo ku nool Barigga Magaaladda Hargeysa.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Somaliland Dr Jaamac Maxamed Odawa ayaa Warbaahinta u sheegay in weli uu baaritaan ku socdo dhacdadasi iyo Cidii ka dambeysay intaba.

Waxa loo xeray ilaa iyo imminka Nin darawal ka ahaa Gaarigga Xoolaha lagu soo qaaday.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor