Xoolaha Somalia oo hoos u dhigay Qiimaha Hilibka ee Suuqyadda Masar.

Dadka Masaaria ayaa soo dhaweeyey Tallaabadda ay Dowladda Masar ugu furtay albaabka Xoolaha Somalia, iyadoo uu dalkaasi gaaray Markab waday in ka badan 2,600 neef oo Geel ah.

Markabkaasi oo Khamiistii ku xirtay Dekedda Aladabiyah ayaa wax ka bedelay Qiimaha Sicirka Hilibka ee dalkaasi, iyadoo horey 90 Giniga Masar la kala siisan jirey halkii Kiilo.

Haatan waxa la sheegay inuu Halkii Kiilo oo Hilib ah gaaray 55.50 Geniga Masar.

Inta badan Xoolaha Somalia ayaa lagu tilmaamaa inay  ka macaan badan yihiin hilibka Xoolaha kale ee loo iib geeyo dalalka Carabta.

MASAARIDA2masaarida04

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor