(Xogta): War-murtiyeedka Madasha Wada-tashiga Qaranka & Jadwalka Doorashooyinka.

Madaxda Qaranka iyo Maamul-gobaleedyadda ee ku mideysan Madasha Wada-tashiga Qaranka (The National Leadership Forum) ayaa la filayaa sida uu qorshuhu yahay inay Duhurnimadda maanta soo wada saaraan War-murtiyeed ay ku mideysan yihiin oo lagu xusi doono qoddobadda ay Isafgaradka ka gaareen.

Madaxda ayaa la filayaa inay maanta soo gebagebeeyaan Shirkooda u furmay shalay, waxaase laga yaabaa in hal maalin oo dheeraad ah lagu darto, haddii ay soo baxaan caqabado cusub ama la isku fahmi waayo qaabka qoraalka ee War-murtiyeedka.

Warar qaar ayaa sheegayo inay dhici karto in Munaasabadda lagu soo xirayo Shirkaasi la qaban doono berri, si Ergooyinka Caalamiga goobjoog uga noqdaan Bahainta War-murtiyeedka Madasha Wada Tashiga Qaranka (The National Leadership Forum).

Mas’uuliyiinta ayaa la filayaa inay barqanimadda maanta mar kale sii ambaqaadaan Kulanka uga socday Villa Somalia, waxayna ilaa shalay ka doodeen qoddob muhiim ah oo ay ku jiraan: Nidaamka Doorashadda soo socoto, Dib-u-eegista Dastuurka KMG, Amniga iyo Ciiddanka iyo Farsamooyinka lagu sahli karo Nidaamka Doorashooyinka.

Qoddobka Doorashooyinka ayeyna Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka ku dheeraadeen, waxayna si hordhac ah isugu raaceen: Doorashadda Madaxweynaha iyo Guddoomiyayaasha Labada Aqal ee Barlamaanka Cusub iyo Xildhibaanadda Labada Aqal.

Qoraalka qabyadda ee War-murtiyeedka ayaa lagu muujiyey in bisha August lagu mashquulo Doorashadda 275-ka Xildhibaanadda cusub, iyadoo 50 Oday Dhaqameed loo xil-saarayo Xulista Xildhibaanadda oo ku salaysan Nidaamka 4.5

Sidoo kale, waxay Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka isku raaceen in bisha September 1-da la doorto Guddoomiyayaasha Labada Gole ee Barlamaanka cusub.

Doorashadda Madaxweynaha cusub ayaa la iclaamin doonaa in la qaban doono bisha September 9-keeda, iyadoo Musharaxiinta geli doonaa Isreebreeb ilaa 3 Wareeg ah, waxaana Xilkaasi ku guuleysan doona Musharaxa ugu dhibcaha badan Wareegga 3-aad.

Kormeerayaal Caalami ayaa goobjoog ka noqon doona Qabsoomidda Doorashooyinkaasi, iyadoo Beesha Caalamka bixin doonto Kharajka Hawlaha Doorashooyinka Somalia ee sannadkan 2016-ka.

Waxaa Qoray: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor