(XOG): Somali ka tirsanaa Kooxda Daacish oo fuliyey Qaraxii shalay ka dhacay Yemen.

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska The Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka,  Muwaadin Somali ku dhashay, kuna barbaaray Yemen  ayaa fuliyey Is-qarxintii shalay ka dhacday magaalladda Cadan, kuna geeriyoodeen 70 qof.

Saraakiisha Ammaanka ee Yemen ayaa aqoonsaday Ninka Soomaaliga ee fuliyey Is-qarxintaasi, kaasi oo lagu magacaabi jirey  Axmed Sayf.

Wakaalladda Wararka AP ayaa soo werisay inay Ciiddanka Yemen soo bandhigeen Sawirka Ninka Soomaaliga oo dhoola-caddaynayo, isla markaana lulaya Calanka Madow ee Kooxda Daacish.

Wakaalladda Wararka AMAQ ee jaalka la ah Kooxda Daacish ayaa baahisay War Saxaafadeed lagu xaqiijiyey  in Ninka weerarka fuliyey ahaa Somali ku dhashay, kuna barbaaray magaalladda Cadan.

Ninka  Soomaaliga ee  muddada dheer deganaa magaalladda Cadan ee Koonfurta Yemen waxa uu shalay gaari miineysan ku qarxiyey Dugsi ay Dowladda leedahay oo ku yaalla Deegaanka Alsanafer ee magaalladda Cadan, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Dhallinyaro doonaysay inay ku biiraan Ciiddanka Dowladda Yemen.

Weerarkaasi ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah Qaraxyadii ugu xumaa ee ka dhaca magaalladda Cadan oo Xarun KMG u ah Dowladda Sharciga ee dalka Yemen.

Bishii May ee sannadkan, ugu yaraan 45 Askar ku jirtay Dhiboow ayaa ku geeriyootay Fal Is-qarxin ah oo ka dhacay magaalladda Cadan.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media