Xoghayaha NUSOJ oo London kula kulmi doona Suxufiyiinta Soomaalida

Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu oo imminka ku sugan magaalada London ayaa lagu wadaa inuu la kulmo suxufiyiinta Soomaalida ah ee halkasi ka howlgala.

Macalimuu ayaa dhawaan London kula kulmay madax ka tirsan dowlada Ingiriiska oo ay ku jiren Julian Reilly agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain u qaabilsan Soomaaliya,danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya Harriet Mathews iyo masuuliyiin kale.

Waa dalka labaad oo uu booqdo tan iyo markii xilka loo doortay Maxamed Ibraahim Macalimuu isaga oo hore Kenya u tagay kulamana la qaatay suxufiyiinta Soomaalida ee ku sugan Nairobi.

NUSOJ ayaa sameyneysa isbedel cusub oo ku saabsan xirfada suxufiyiinta Soomaaliyeed oo sanadahii hore lagu dhaliili jiray aqoon yari iyo xirfadooda oo aan dhameystirneyn.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor