Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka oo ku soo wajahan Geeska Afrika.

Xoghaye Jim Mattis ayaa waxaa maanta u bilaabantay Booqashadiisa ugu horreysay oo uu ku soo kala bixin doono dalalka Sacuudiga, Masar, Qatar, Yuhuudda iyo Geeska Afrika.

Safarkiisa waxa uu diiradda ku saari doonaa La-dagaalanka Kooxda Daacish, Istaraatijiyadda Dagaalka Syria iyo Yemen iyo Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab.

Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka oo ah Jeneral ka tirsana Ciiddanka Marinisk oo Hawlgab noqday waxa kale oo uu booqan doona Saldhigga Milliteri ee ay Maraykanka ku leeyihiin dalka Djibouti, halkaasi oo laga hago Hawlgalladda Maraykanka ka fuliyaan dalalka Somalia iyo Yemen.

Ilo hoose ayaa sheegayo inuu Jim Mattis booqasho qarsoodi ah ku iman doono Muqdisho, halkaasi oo ay dhawaan soo gaareen Ciiddamo Maraykan oo tababar iyo taageero Loojistiko siinaya  Ciiddanka DFS iyo kuwa Hawlgalka AMISOM.

Safarkiisa Muqdisho oo sababo dhinaca Ammaanka si rasmi ah loo shaacinin ayaa waxa uu kula kulmi doono Madaxweyne Farmaajo oo dhawaan iclaamiyey Dagaal ka dhan ah Alshabaab iyo Taliska Hawlgalka AMISOM.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon ayaa xaqiijiyey in Tobanaan Askar ah loo daabulay Somalia, si ay u tababaraan Ciiddamo ka tirsan kuwa DFS.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump waxa uu bishii hore fasaxay in la ballaariyo Hawlgalka Duqeynta ee ay Ciiddanka Maraykanka ka fuliyaan gudaha Somalia, gaar ahaan Deegaanadda ay Alshabaab maamulaan.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media